Muqdisho(WARGEYSKA DALKA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.
Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ardayda u ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya in uu dalka gudhiisa ka sii wato waxbarashadiisa uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, si loo dhiirrigeliyo haldoorka aqoonta iyo jiilka cusub ee dalka hoggaamin doona.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay qorsheyneyso hirgalinta Jaamacad kale oo dowladeed taasi oo bixindoonta casharo u gaar ah Teknoolojiyadda, taasi oo fursado waxbarasho oo tayo leh siindoonta dhallinyarada soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa daneynaya culuumta casriga ah iyo tiknoolajiyadda.




