Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah magaalada Laascaanood ugu aqoonsaday caasimadda minimada Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo hadda wixii ka dambeeyo uu la mid noqonayo maamulada dalka, islamarkaana yeelanayo xuquuqda maamulada kale ay leeyihiin.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay si weyn uga taageerayaan amniga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

