MADAXWEYNAHA JFS OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MADAXWEYNIHII HORE EE HIRSHABEELLE

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu muddo dheer Dalkiisa iyo Dadkiisa ugu soo adeegay Xilal kala duwan oo uu kasoo qabtay Hay’adaha fulinta, sharci-dejinta iyo heer Dowlad-Goboleed, isaga oo door muuqda kasoo qaatay dadaallada Dowlad-dhiska iyo horumarinta Dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, Qoyskiisa, Ehelkiisa iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.