Madaxweynaha JFS oo ka qayb galaya xuska sannad guurada 82-aad ee Aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan sida Xoogga dalka,Sirdoonka,Asluubta ,Taliyeyaashii hore iyo marti sharaf kale.