Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusay madaxda dowladda, mas’uuliyiinta iyo marti-sharaftii ka soo qaybgashay munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa munaasabadda ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga heerarka kala duwan ee dowladnimada, si loo dardargeliyo dowlad-dhiska, amniga iyo horumarka dalka.




