Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan leh u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo hambalyada munaasabadda ciidul Fidriga.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay dhamaan Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda loogu biiriyo la dagaalanka ka dhanka ah khawaarijta, dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah.
“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna.