Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, kaas oo ay ka qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abbi Ahmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka.