Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore

Iyadoo la tixraacayo baaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, jeediyey iyo farriintiisii Ciidul-Fidriga ee taariikhdu ahayd 30-ka Maarso 2025, kaasoo ku baaqay in la bilaabo wadatashi qaran oo ballaaran, Madaxweynaha ayaa gudagalay wadahadallo la xiriira arrimaha dalka oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha kala duwan ee heer Qaran. Ujeedada hindisahan waa in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka iyo aragtiyada hoggaamiyeyaashaasi, si looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran.

Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go’an yahay dhageysiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay madaxda Ururada Siyaasadda ee la diiwaangeliyey, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah kasoo qabtay dalka. Kulamadan waxay bixiyeen xog iyo aragtiyo qiimo leh oo ka tarjumaya baahida iyo himilada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo uu wadatashigu sii socdo, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore. Waxaa la filayaa in kulankan sare uu qabsoomo 15-ka Juun 2025, si waayo-aragnimadooda iyo taladooda looga faa’iidaysto.

Kadib kulamadan, Madaxweynaha ayaa isugu yeeri doona Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, kaas oo qabsoomo doona 22-ka Juun 2025. Kulankaas ayaa lagu gorfeyn doonaa talooyinka kasoo baxa wadatashiyada, waxaana la filayaa in GWQ uu ka gaaro go’aamo rasmi ah. Natiijooyinkaas ayaa markaa kadib la horgeyn doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo qaado tallaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama dastuur.

Geeddi-socodkan loo dhanyahay wuxuu ka tarjumayaa laba arrimood oo muhiim ah: in la dhiirrigeliyo wadatashi qaran iyo in la adkeeyo sharafta iyo madax-bannaanida hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Kulanka madaxda hore wuxuu noqonayaa madal muhiim u ah talo-wadaag, halka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka oo ah hay’adda keliya ee sharci-dejinta ay xaqiijin doonaan in go’aamada lagu saleeyo hab-raaca dimuqraadiyadeed iyo sharciga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka go’an in uu horumariyo hannaan Soomaaliyeed oo taladiisu tahay mid Soomaali leedahay, kaas oo ku saleysan xikmad Qaran wadajir iyo ilaalinta waajibaadka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

-DHAMMAAD-