Madaxweynaha JFS oo Booqday Kaamamka ay ku jiraan Dadka ay Abaartu Samaysay ee ku nool Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Booqday Kaamamka ay ku jiraan Dadka ay Abaartu Samaysay ee ku nool Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dadka barakacyaasha ah ee ku jira kaamamka uu gaaray,isagoona ka xogwareeysaty xalada nololeed ay Qoysaskaasi wajahayaan.

 

Madaxweynaha waxa ku wehlinayay kormeerka Wasiirka gargaarka,Maareynta iyo musiibooyinka Xildhibaan Khadiijo Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo masuliyiin kale.