Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta si rasmi ah u xarig jaraya dib u howlgelinta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Waxaa hadda ka socota Xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Munaasabad weyn oo lagu daahfurayo, laguna xarig-jarayo Xarunta Cusub.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah Wasiirada Xukuumadda Federal ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh), waxaa kale oo qayb ka ah Safiirrada Beesha Caalamka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Tallaabadan ayaa soo afjareysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dulsaar ku ahayd Hay’ado kale inta ay jirtay Jamhuuriyadda 3-aad.
Daahfurkan weyn waxaa qeyb ka ah Hay’adaha labada heer ee Dowladda, Saxiibada Caalamka iyo qeybaha Bulshada.

