Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Salaadda Janaasada ee Shahiidka ayaa waxaa sidoo kale ku tukaday Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, qaar ka tirsan Gollaha Wasiirada, Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamanka JFS, Safiirka Turkiga, Taliyaha Booliiska, Ehelka Shahiidka, Saraakiisha Ciidamada Qeybahooda kala duwan iyo Masuuliyiin kale.

































