Madaxweynaha JFS ayaa xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha

Madaxweynaha JFS,  mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha, kadib markii dhowaan dayactir ballaaran lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig jarka Safaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yugaandha, Ganacsato, Arday iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha iyo dayactirka Safaaradda, isagoo sidoo kale ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka.

Mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hooyada Soomaalinimadu ay tahay JFS cadowga nagu habsadayna aynu isnu iska dul qaadi doonno dhowaan, taas oo suurta gal ka dhigi doonto in ay dadka Jaaliyaddu usoo dalxiis tagaan iyaga iyo carruurtooduba.

Ugu dambayn, Madaxweynaha JFS mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dayactirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha.