Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaa doona dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Vučić ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaa doona dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.
Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku saabsan iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu la wadaagay Madaxweynaha Serbia, dhambaal salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa soo bilowday 60 sano ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin taariikh iyo xiriir dheer oo soo jireen ah.