uqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo noqon doonta xarun buuxisa baahiyaha hawlgal, maamul iyo hoggaamineed ee Ciidanka Badda.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Ciidanka Badda u leeyahay Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ilaalinta badaha, kheyraadka badda iyo xeebaha dalka ay yihiin waajibaad qaran oo u baahan ciidan leh awood, aqoon, qalab iyo xarumo ku filan.
Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha xaruntan cusub uu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Badda, si ay si hufan uga soo baxaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta madax-bannaanida, dhuleed iyo baddeed ee dalka.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga Türkiye.


























