MADAXWEYNAHA JFS IYO WAFDIGIISA OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEEYAY MAGAALADA BANDIIRADLEEY

Bandiiradleey,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay isugu soo baxeen Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Bandiiradleey ayaa qayb ka ah Safarkiisa Nabadda iyo u kuur-galidda Nolosha Bulshada Galmudug, kaas oo uu ku marayo degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, isaga oo si dhow ugu kuur-galaya Xaaladda Nololeed, Amniga iyo Horumarka Bulshada ee Deegaanada uu booqanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Maamulka iyo Shacabka Magaalada Bandiiradleey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta adajirka Bulshada, Amniga iyo Horumarka Deegaanka.