Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.