MADAXWEYNAHA IYO WAFDIGIISA SAFARKA NABADDA GALMUDUG OO LAGU SOO DHOWEEYAY GALINSOOR

Galinsoo(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira Safarkiisa Deegaanada Galmudug ee uu ugu kuur-galayo xaaladaha Amniga iyo Nolosha Bulshada ayaa soo gaaray Magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Salaan la dhex qaaday Boqolaal ka mid ah Shacabka Reer Galinsoor, kuwaasi oo Safaf Dhaadheer ugu jiray soo dhoweynta Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goob Fagaare ah kula hadlay Bulshada Reer Galinsoor ayaa ugu baaqay in ay xoogga saaraan ilaalinta Nabadda, Xasilloonida iyo Wada noolaanshaha Bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Magaaladu ay noqoto Deegaan Nabad ah.

 

FB_IMG_1786952403944.jpgFB_IMG_1786952412616.jpgFB_IMG_1786952410355.jpgFB_IMG_1786952425628.jpg