Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Lataliyaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim Qoone Lataliyaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Lataliyaha ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee dalka  gaar ahaan Hirshabeelle iyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, qorshayaasha dowladu ku hormarineyso deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay.

Lataliye Maxamed Xasan Qoone ayaa aad u bogaadiyay dadaalada Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ee ugu jiro ka shaqeynta horumarka, kaalintiisa nabadoonimo ee arrimaha dib u heshiisiinta iyo howlgalada uu hormuudka u yahay ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.