Wafdi uu hoggaaminayo ku-simaha Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayid ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Ugu horeyn masuuliyiinta Hay’adda Unicef ayaa kormeeray Xarunta Caafimaad ee Kulmis iyo Isbitaalka Guud ee magaalada Jowhar.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn xarunta madaxtooyadda ku qaabilay wafdiga Hay’adda Unicef.
Ku-simaha Madaxa Hay’adda Unicef Naser Sayid ayaa ku boogaadiyey Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle garab-istaaga bulshada nugul.
“Kaalin shaqo oo weyn ayaa ka dhaxeyso Hirshabeelle iyo Unicef, soo gaaristiina Jowhar ayaana ka turjumeyso.” Waxaa sidaasi yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyey Unicef iyo Hay’addaha kale taageeradooda ku aadan shacabka Soomaaliyeed.