Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay shacabka degmada Al-kowsar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in ay mashaariic kala duwan ka hirgelinayaan degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan uu xalay la qaatay dad weynaha degmada Al-koowsar ayaa shacabka ku ammaanay kaalinta weyn ee ay ka qaateen halganka lagu cirib tirayo khawaarijta, wuxuuna xusay in mashaariicda halkaasi laga fulinayo ay diyaar yihiin.

“Dadka degmadan iyaga ayaa muddo difaac u ahaa amniga degmada oo aan caawa ku kala warqaadaneyno, waxaa miiska idiin saaran caawa Leyrarka cadceedda ku shaqeeya iyo Dugsi hoose dhexe.”

Ujeeddada kulankan madaxda dowlad goboleedka u sarreysa iyo dadweynaha ayaa ah sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada ee laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha weli ka jira deegaanada ku xeeran Al-Koowsar.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayo kalsooni dhiska shacabka iyo hay’addaha dowladda.

Waxa kale oo laysla soo qaaday siyaasadda iyo istaraatiijiyadda ay dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada, xoojinta iyo horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.