Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne Su’aalo lagu weydiiyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa  fursad u siiyay dadweynaha degmada Cadalle inay weydiiyaan su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Cadalle, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayo kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowladda Hirshabeelle.

Waxa kale oo la isla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyadda dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagay Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Naamulka Gobolka Shabeellada Dhexe.
“Tani waa isla xisaabtan dhab ah oo Dowladda iyo shacabka ah, mana jirto cid aniga iyo bulshada inoo dhaxeyso.”

Degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu khadiimisan Gobalka Shabeellada Dhexe.