Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray goobihii uu fatahaadda ka sameeyay Webiga Shabeelle

Jowhar- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  maanta kormeer ku tagay Tuulada Baareey oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fatahaadda ka sameeyay Wabiga oo howlo biyo xireenno ah ay ka socoto.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyen in kabadan 25 tuulo, dhibaatada ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baareey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaada, xaalad adag oo dhanka nolosha ahna ay ka tagan tahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa deeq kala duwan oo raashin iyo daawooyin ah ku wareejiyay dadka ku nool Tuulooyinka Baareey iyo Geedo barkaan oo fatahaadda Wabiga Shabeelle ay saameysay, isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ay dhibaateeyeen fatahaadda.