MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA NABADDOON FAARAX CABDI WAARRE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray qoyska oo ugu horreeyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waarre, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Nabaddoon Faarax Cabdi Waarre.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheereyd ee uu marxuumka ka shaqeynayay aayo-ka-talinta iyo inuu qeyb ka ahaa bud-dhiga Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Faarax waxa uu lahaa taariikh weyn oo dhaqan. Doorar kala duwan ayuu ku lahaa Hirshabeelle iyo Soomaaliya oo dhan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka ayaa Alle u weydiiyay samir iyo iimaan iyo hooygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN