Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee argagixisada ku dishay gobolka Hiiraan

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka golayaasha maamulkaiyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisada alshabab ku xasuuqeen dad shacabka ah kuna gubeen hantidooda oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in argagixisadu ay ku jabeen dagaaladii wadajirka ahaa ee lala galay, waxa uuna inaa raaciyay in xoojin doono howlgalada baahsan ee lagu cirib tirayo arxaan laawayaasha alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaas sida xaqdarada ah loo xasuuqay waxa uuna Alle uga baryay in Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.