Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ku sugan difaaca ugu dambeeyay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaamiyeyaasha xaq-u-dirirka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furinta waxa uu la wadaagay hambalyo ku aadan maalintooda. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u wakiishay Wasiirka Amniga inuu goobta ku guddoonsiiyo abaalmarin lacageed oo dhan $2,000 askar ka mid ah ciidanka muuqdo ee Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka iyo xubin ka mid ah xaq-u-dirirka deeganka oo lagu abaalmariyey qori AK-47.
Daljirayaashan, ayaa deegaan ay ku sugnaayeen Khawaarijta waxa ay kasoo qabteen khawaarij nool oo ay kusoo wareejiyeen Hay’addaha ku shaqadda leh.
“Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka waxaan ku garab taaganahay in laga adkaado Khawaarijta.”
Ugu dambeyn, madaxweyne Guudlaawe, ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.