Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax-dhiggay mashaariic laga fulinayo degmada Jalalaqsi

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, xubno Baarlamaanka H/SH, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada.

MASHAARIICA LAGA HIRGELINAYO DEGMADA JALALAQSI:

  1. Xarunta Maamulka Degmada
  2. Saldhig Booliis
  3. Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha
  4. Maxkamadda Degmada
  5. Dugsi Hoose, DHexe (Tardo)
  6. Nalalka Cadceeda
  7. Iskoolka Xanaannada Carruurta
  8. Dayactirka Buundada
  9. Daah-furka Mashruuca Taakulaynta Bulshada Nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray Isbitaalka guud ee degmada Jalalaqsi, garoonka diyaaraddaha iyo buundada, waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi.

“Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan, waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.”

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer gobalka Hiiraan, waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii.