Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay dhismaha waddo isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda goboleedka  Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dhagax-dhiggay wadada isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.

Masuuliyiinta shirkadda u xil saaran dhismaha waddada ayaa madaxweynaha u faahfaahiyay baaxada shaqadda iyo xilliga ay soo dhammaaneyso.

“Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib Dowladda Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay Dowladdooda garab istaagaan.