Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday difaaca deegaanka Geel-gub

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maalmahanba ku sugnaa deegaannada ay difaaca ugu jiraan ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee jooga difaacyada kala duwan ayaa waxa uu maanta kormeeray deegaanka Geel-gub.

Sarakiisha halkaas ku sugan ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo.

Madaxweynaha ayaa sameynayo isku-xir guud oo dagaalka xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.

“Culeyska argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle welina waxaa ku socdo beegsi xooggan.