Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaaladda Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dalwadda.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu berri ka furmo caasimadda.