Madaxweynaha Galmudug oo safar shaqo ku yimid Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor), iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow safar shaqo ku soo gaaray magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka soo ambabaxay magaalada Garoowe oo maalmihii dambe uu uga qeyb galayay shirkii Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage iyo shirar doceedyo dhowr ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magalaada Muqdisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan xildhibaanada laba gole ee BFS, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.