Madaxweynaha Galmudug oo Munaasabad soodhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye iyo wafdiga uu hogaaminayay oo kusugan degmada Cadaado ayaa ka qeyb galay Munaasabad soodhaweyn ah oo habeenkii xalay ka dhacday Magaalada Cadaado, taasoo lagu maamusayey Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Shacabka iyo maamulka degmada Cadaado ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay maamulka degmada Cadaado kusoo dhaweenayeen madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo maalmo kooban oo shaqo ah ku jooga degmada Cadaado ku maamusay madaxweynahooda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Gamudug, labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka degmada Cadaado, odayaasha dhaqanka, salaadiinta iyo shacabka degmada Cadaado.