Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir looga hadlay adkeynta amniga Xarardheere

– Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay adkaynta amniga degmada Xarardheere iyo xorreynta degaannada kale ee khawaarijta Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka dhulka General Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka degmada iyo Saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka xog-wareystay Saraakiisha amniga qorshayaasha socda ee ku aadan dagaalka Khawaarijta la doonayo in looga sifeeyo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Ciidamada dowladda iyo xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa ku daba jira firxadka khawaarijta Al Shabaab ee wali ku dhuumaalaysanaya Galmudug.