Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku aaddan dardargelinta howlgalada dib u xoreynta ah ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Degmada Hobyo, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoonka gobolka, maamulka degmada iyo masuuliyiin kale.