Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka difaaca XFS oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee degmada Xarardheere

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda goboleedka Galmudug, ayaa kormeeray xaafadaha magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiinta kale  ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka guud iyo saldhigga Booliska degmada Xarardheere.