Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa dib ugu laabtay Baydhabo.

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel-gaarka ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed kedib safar muddo qaatay oo uu ku joogay magaaladda Muqadisho.

Lafta Gareen iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa Muqdisho u joogay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Arimaha Doorashooyinka, kaa oo ay ka qeyb galayeen Madaxda Qaranka, Shanta Maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.