Madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed oo xilka madaxtinimada loo dhaariyay

Madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa maanta lagu dhaariyay xaflad dad badan ay isugu soo baxeen oo ka dhacday xarunta golaha qaranka ee caasimadda Seoul.

Inta aan la Dhaarin ka hor madaxweynuhu waxa uu warbixin tafatiran siiyey Taliyeyaasha Wadajirka ah ee Shaqaalaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Yonhap. “Waxaan si dhab ah ugu dhaaranayaa dadka hortiisa inaan si daacad ah u gudan doono xilka madaxweynaha,” ayuu yiri Yoon, isagoo ku dhaartay xilka madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray inuu ka shaqeyn doono nabadda gobolka, wuxuuna taageero dhaqaale u fidiyay Kuuriyada Waqooyi haddii Pyongyang ay qaado tillaabooyin ku wajahan baabi’inta nukliyeerka. “In kasta oo barnaamijka hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi aanu khatar ku ahayn oo keliya amnigeenna iyo kan Waqooyi Bari ee Aasiya, haddana albaabka wada-hadallada ayaa sii ahaan doona mid furan si aan si nabad ah u xallinno khatartan,” ayuu yiri Yoon.