Madaxweynaha Aljeeriya oo aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Algiers; Madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego), oo ah Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Aljeeriya.

Munaasabadda looga gudoomayay waraaqaha safiirnimo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadda Qaranka ee Dibedda iyo Arrimaha Afrika Maxamed Ataf.