Madaxweyanah Maamulka gobaleedka Galmudug iyo Wafdi uu hogaaminaya oo Moqdisho- Soo Gaaray.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha labada aqal ee BFS, masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.