Madaxwene Xasan “halheyska dowladda waa nabad,gogosheeduna waa furan tahay mar kasta”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaflad casho sharaf ah oo loogu talagalay sagootinta martida ka qeyb gashay caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa ka dhawaajiyay in aysan jirin qof loo colaadin karo aragtidiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu ku soo bandhigo gudaha dalka.

“ Mushaakilaadka gudaheenna anaga ayaa ku filan,umana baahnin in aan ku xallinno dibadd”sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in dowladda ay doorbideyso xalka wixii kala duwanaan ah oo khuseeya afkaarta siyaasadeed .

Madaxweynaha ayaa xusay in aysan jirin siyaasi ku jira ama la dhigay xabsiga,isagoo arrintaasi u sababeeyay dowaldda oo leh dulqaad iyo gacmo furan iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo gaaray biseyl siyaasadeed.

“Ka daalimeyno in aan umadda u horseedno nabad,sidaa aawadeed waxaa madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale ku baaqay in laga qeybgalo gogosha nabadeed,isla markaana loo tanaasulo danta umadda Soomaaliyeed.