Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah nabadaynta beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay laqaateen odayaaha dhaqanka degmada Luuq .
Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbeddalka Cimillada XFS Axmed Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenka wasaradda shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan Libaax, xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaalo ah oo dirir dhex martay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmada Luuq.
Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noolaashiyaha bulshada degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo nabadda islamarkaana lasii ambaqaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ah.