Madaxwaynaha Ruushka oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacowday dalkaas mudane Maxamed Abuukar Zubayr, isagoo qayb ka ahaa danjirayaal badan oo maanta lagu maamuusay aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi looga taliyo.

Ruushka iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo muddo dheer ah, waxaana Danjire Maxamed Abuukar uu kaalin ka qaadanayaa in la horumariyo danaha iskaashiga labada dal waqtigan.