Madaxwaynaha Galmudug oo kulan la qaatay Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug

Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, iyo xubno ka tirsan heer Federaal.

Madaxwaynaha ayaa uga mahadceliyay guddiga shaqada adag oo ay qabteen, xilli guud ahaanba ay soo dhamaystireen doorashada kuraasta Baarlamanka Soomaaliya ee kadhacay labada deegaan doorasho ee kala ah Dhuusamareeeb iyo Gaalkacyo.