Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo u safray Puntiland

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goorwdhow ka ambabaxay Magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntaland.

Wafdigaasi oo garoonka diyaaraha Sayid Maxamed ay ku sii sagootiyeen qaar ka mid ah maamulka Jubbaland,waxa uu xarunta Puntlan kula  kulmi doono Madaxwaynaha Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.