Madaxtooyadda Soomaliya oo war kasoo saartay xaaladda Caafimaad ee madaxweynaha

Shir jaraa’id oo uu goor dhowed qabtay Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaliya mudane Cabdikariin Cali Kaar ayuu faahfaahin kaga bixiyey xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacbiga Soomaaliyerd  abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu tahay mid aad u fiican oo aan wax dhibaato ah aanu dareemaynin balse keliya laga helay caabuqa Covid-19,iyadoo isla beri madaxweynuhu mari doono baaritaan caafimaad,afhayeenka ayaa xusay in madaxweynugu shaqo maalmeedkiisa u gudanayo hab waafaqsan habraacyada loo dejiyey xakamaynta faafitaanka Covid-19.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo hore loo qaban jiray Xafladdo waaweyn balse sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha JFS.