Madaxii Maaliyadda Gobolka Mudug ee khawaarijta oo isku soo dhiibay Boliiska Hobyo

Madaxii maaliyada Gobolka Mudug ee Argagixisa Cabaas al Amiin xuseen  ayaa goordhow isku dhiibay  booliska  degmada Hobyo oo uu Taliyaha saldhiga  Maxamed Cadceed uu hor kacayo.

Ninkaan ayaa is kaga baxsaday Argagixisada wuxuuna ka tagay deegaanka jawle ee Gobolka Mudug,

Sidoo kale goobta lagu soo bandhigay ninkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Muqtaar Sheekh