Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA sanadguuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aa-aaskeedii oo ku aadaneyd 5-tii Janaayo 1964-kii.