Madaxda Warfaafinta XFS oo xarumaha madadaalada iyo Dhaqanka ku soo dhoweeyay safiirro iyo wakiillo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Mdane C/Laahi Xayir Ducaale iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa xarunta Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Qaranka ku soo dhoweeyay wafdi ka socday Safaaradaha iyo Qunsiliyadaha Dalalka Caalamka ee jooga Muqdisho.

Wafdigaan oo ay sidoo kale kamid ahaayeen wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhiya Soomaaliya,waxa ay booqdeen xafiisyada xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho, Matxafka Qaranka iyo Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga.

Dibolomaasiyiintaan oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,waxaa ujeedkoodu la xiriiray sidii ay gacan uga geysan lahaayeen hagaajinta goobaha muhiimka ah ee ay ku shaqeeyaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Mdane C/Laahi Xayir Ducaale ayaa wafdigasi siiyay warbixinno kala duwan oo ku saabsan howlaha ay qabtaan Golaha Murtida iyo Madadaalada,Matxafka Qaranka iyo Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga.

Booqashadaan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay wadaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS.taas oo lagu horumarinayo diblomaasiyadda dhaqanka, isla markaana lagu xoojinayo is dhexgalka caalamiga ah iyo kobcinta fahamka bulshooyinka caalamka.