Madaxda Turkiye oo sheegay in ay dileen hogaamiyihii ISIL

Ciidamada sirdoonka Turkiga ayaa dilay hogaamiyaha kooxda ISIL Abu al-Hussein al-Hussein al-Qurashi, sida uu ka dhawaajiyay  madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga ay muddo dheer isha ku hayeen hogaamiyaha kooxda mayalka adag oo shalay lagu dilay howlgal laga fliya Suuriya.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay idaacadda TRT Turk,ayaa sheehay in ay sii wadi doonaan halganka ay kula jirnaan ururada argagixisada

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhow magaalada Jinderes ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada , waxaana deegaankaasi uu ka dhacay weerarka lagu dilay ninkaasi uu ka mid ahaa meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga iyo booliiska militariga maxalliga ah oo taageero ka helaya Turkiga ay xireen aagga Jindires maalinimadii sabtida ee la soo dhaafay.