Madaxda SoDMA oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socday IHH ee Turkiga

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed(SoDMA) waxaa looga hadlay sidii labada hay’addood si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha binaadanimda

Gudoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyay Masuuliyiinta ka socday Hay’adda IHH sidii wanaagsaneyd ee ay dalka aan walaalaha nahay Turkiga ugu soo dhaweeyeen asiga iyo wafdigiisa, waxaa sidoo kale kaga mahadceliyay raashin gaaraayo 500 oo tan oo dhawaan Hay’adda IHH ay ku wareejisay Hay’adda SoDMA, asigoo balan qaaday in raashinkan la gaarsiin doono goobaha laga xoreeyay kooxaha nabad diidka ee khawaarij-ta.

kulanka ayaa waxaa dhanka IHH kaga qeyb-galay Hassan demir oo ah madaxa xafiiska IHH ee somalia iyo Atta Turabi oo ah ku xigeenka xafiiska IHH ee Soomaaliya.