Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo taageero u muujiyay ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen dhammaan howlwadeenna wasaaradda, kulankaas oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageero buuxda oo loo fidinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u hura difaaca dalka iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, waxaa si weyn loogu xusay dadaalka joogtada ah ee ay ciidamada Qaranka ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka. Shaqaalaha wasaaradda ayaa dhambaal taageero ah u diray ciidamada, iyagoo muujiyay in aysan keli ahayn, balse hay’adaha dowladdu garab taagan yihiin. Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada si loo helo taageero ballaaran oo lagu horumarin karo nabadda iyo amniga dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo uu wehliyo wasiirka ku xigeenka wasaaradda, ayaa hadal dhiirrigelin ah ka jeediyay kulanka, isagoo si cad u muujiyay taageeradiisa buuxda ee ciidamada Qaranka. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu mar walba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato taageerada ciidanka iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha nabadda diidan.